Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay South Afrika

Arbaco, Agoosto 12, 2020 (BTV) – Wararka nagasoo gaaraya waddanka Koonfur Afrika ayaa waxay sheegayaan in kooxo hubeysan oo lagu tuhmayo burcad iney dileen muwaadin Soomaaliyeed oo magaciisa lagusoo koobay Nuuradiin.

Wiilkan Soomaaliga ah ayaa la dilay xilli uu gaari ku wareejinayay rooti, sida HOL ay u sheegeen ilo lagu kalsoonyahay. Dilka ayaa ka dhacay xaafadda Motherwell oo ka tirsan magaalada Port Elizabeth.

Waxayna wararka dilkiisa kasoo baxaya ay intaas ku darayaan in kooxahii dilka gaystay ay baxsadeen. Ciidamada booliska ee magaalada uu dilka ka dhacay oo goobta soo gaaray ayaa billaabay baaritaanno lagu baadi goobaya dilayaasha baxsaday.

Muwaadiniin badan oo Soomaaliyeed ayaa lagu dilay dalka South Afrika, waxaana aad u yar kuwa cadaaladda helay.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s