Dib u dhac ku yimid Furitaankii Shirka Dhuusamareeb iyo wafuudii u horeysay oo maanta tagaya

Waxaa dib u dhac ku yimid furitaanka Shirka Dhuusamareeb 3 oo lagu waday in maanta 15 Agosto inuu furmo, taasoo loo sababeynayo in wafuudii aanay weli tagin magaalada.

Wasiirka Warfaafinta Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa sheegay in furitaanka shirka uu dib u dhacay, balse Madaxda ka qeyb galeysa ay imaan doonaan goor dhow.

Wafuudii u horeysay maanta tagi doona Dhuusamareeb ayaa waxaa ka mid ah Madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed Lafta Gareen.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa gelinka dambe ee maanta ku wajahan Dhuusamareeb, sida Afhayeenkiisa xalay saqdii dhexe uu ku sheegay bartiisa Twitterka.

Shaki badan ayaa la gelinayay in Shirka Dhuusamareeb 3 uu qabsoomi waayo, marka loo eego xaalado siyaasadeed oo soo kordhay, kaddib dhuusamareeb 2, markii uu soo dhamaaday la riday Xukuumaddii uu hoggaaminayay Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s