#DEGDEG siihayaha Wasiirka waxbarashada dowladda FS Cabdullahi goodax Barre ayaa goordhow qarax weyn lagula beegsaday..

Beled-Xaawo (BTV) – Wararka naga soo gaarayo Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Sii haya Xilka Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya Cadbulaahi Goodax Barre uu ka badbaaday qarax lala eegtay.

Wasiir Goodax Barre iyo wafdi la socdo ayaa qaraxa oo ahaa nooca dhulka lagu aaso lagula eegtay inta u dhaxeyso Beled-Xaawo iyo Doolow gaar ahaan deegaanka Uunsi ee Gobolka Gedo.

Wararka ayaa sheegayo inuu wasiirka ka badbaaday isku daygaas lagu doonayey in lagu dilo, wuxuuna qaraxa haleelay mid kamid ah gawaaridii la socday. Wasiir Goodax Barre ayaa hadda si nad ah ku tagay Degmada Doolow.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegayo in qaraxaas ay ku dhaawacmeen laba Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo lagu kala magacaabo Maxamuud Cali magan iyo Cabdicasiis Dhaga-qool.

Majirto wax war ah oo rasmi ah oo laga soo saaray wali inkasta oo dadka deegaanka ay soo wariyeen in wasiirku uu ka badbaaday wax dhaawac ah.

Dhaawacyadaa labadaan Xildhibaan ayaa lagu soo qaaday diyaarad, waxaana la filayaa in saacadaha soo socdo la keeno Magaalada Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya weli kama aysan hadlin weerarkaas lagu qaaday kolonyada uu socday Wasiirka Waxbarashada sidoo kalana ma jirto weli koox sheegatay inkastoo weerarada noocaan oo kale ah looga bartay kooxda Al-Shabaab.

Wasiir Goodax Barre iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta gaaray Gobolka Gedo, wuxuuna ujeekooda yahay inay dhagax dhigaan goobo waxbarasho oo ku yaalo deegaanada Gobolka Gedo  oo qeyb-ka ah mashruuca hormarinta dugsiyada waxbarshada dalka.

Wixi war soo kordho, kala soco BenaadirTv.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s