
Wararka ka imanaya magaalad Jowhar ee xarunta dowlad goboledka Hirshabelle ayaa sheegaya in lagu diley caawa Wasiirkii Beeraha ee dowlad goboleedka hirshabelle Xildhibaan Cabdiqaadir Abuukar karaani.
Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in Wasiirkii Beeraha Hirshabelle oo dhowaan la magacaabay la diley xilli uu ka soo baxay masjid uu salaadii Cishaha ku tukaday xaafada Kulmis ee magaalada Jowhar.
Dilka wasiirka ayaa la sheegay inay ka dambeeyeen kooxo bastoolado ku hubeysan iyagoo goobta ka baxsaday.
Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Hirshabelle ayaa soo gaaray meesha uu dilka ka dhacay, waxayna durba bilaabeen howlgal lagu baadi goobayo kooxihii dilka fuliyey.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Sheekh Cismaan Barre Maxamed ayaa Xildhibaannada iyo Mas’uuliyinta kale ee Dowladda uga digay ay Al-Shabaab ka geysan karaan deeganada Dowlad Goboledka Hirshabelle, loona baahanyahay inay muujiyaan feejignaan dheeri ah.