
Milatariga waddanka Mali ayaa xabsiga u taxaabay madaxweynaha dalkaas Ibrahim Boubacar Keïta.
Xadhigga madaxweynaha, oo dhacay maanta oo Talaado ah, ayaa yimid saacado kaddib markii uu kacdoon dowladda looga soo horjeedo ka billowday saldhigga milatariga ee Kati.
Ibrahim Boubacar Keïta oo ku sugnaa gurigiisa ku yaalla xaafadda Sebenikoro ee magaalada Bamako ayay xidheen askar ka tirsan ciidamada gadooday, saacaddu markii ay ku beegneyd 4:30 p.m. waqtiga maxalliga ah.
Wuxuu xilligaas madaxweynaha la joogay Ra’iisul Wasaaraha Mali, Boubou Cissé iyo wiilkiisa Karim Keïta, oo ah madaxweyne ku xigeenka.

Kacdoonka milatariga waddanka istiraatiijiga ah ee ku yaalla Galbeedka Afrika waxaa cambaareeyay waddamada gobolka ee la isku yidhaahdo ECOWAS iyo dalkii horay u gumeystay Mali ee Faransiiska.
Ariirnimadii hore ee saaka ayey rasaas ka billaabatay saldhig milatari oo ku yaalla bartamaha caasimadda.
Kooxo dhalinyaro ah ayaa bililiqeystay dhismeyaal ay dowladdu leedahay, iyagoo kaddibna dab qabadsiiyay.
Wararka ku saabsan xadhigga madaxweynaha ayaa sii xoojiyay qalalaasaha. Xasiloonidarradan ayaa kusoo aadday xilli ay dalkaas ka socdaan mudaharaadyo looga dalbanayo madaxweynaha inuu iscasilo.
Mr Keita ayaa ku guuleystay doorashadii Mali ka dhacday sanadkii 2018-kii, laakiin waxaa tan iyo markaas taagneyd cadho ku saabsan musuqmaasuqa ka jira waddanka, maamul xumo dhinaca dhaqaalaha ah iyo xaaladda amni ee kasii dareysa.
Kooxo jihaad doon ah oo waddankaas ka dagaallama ayaa qeyb ka ah amni darrada.