Sii hayaha RW Dalka oo guddoomiyay Shir looga hadlay dhaqaalaha iyo deyn cafinta

Muqdisho; Axad, Agoosto 30, 2020—-Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa maanta guddoomiyay shir looga hadlay dhaqaalaha dalka iyo dardar gelinta qorshaha deyn cafitna dalka.

Kulanka oo ay ka qeyb galeen sii hayaha wasiirka maaliyadda, guddoomiyaha bangiga dhexe iyo mas’uuliyiinta hey’adaha iyo wasaaradaha qeybta ka ah tubta horumarinta dhaqaalaha ayaa looga dooday arrimaha dhaqaalaha dalka, gaar ahaan dhibaatadii ka dhalatay xanuunka COVID19.

Sidoo kale kulanka ayaa looga dooday isu diyaarinta shir dhex maraya dowladda iyo IMF oo kamid ah imtixaanaadkii joogtada ahaa ee lagu ogaanayay sida dowladdu ay usoo buuxisay shuruudihii deyn cafinta.

Dhamaan wasaaradaha iyo hey’adaha dowladda ee ka tirsan tubta horumarinta dhaqaalaha ayaa la faray inay qeybta uga aadan ka qaataan qorshaha deyn cafinta dalka si loogu guuleysto dhammaan shuruudaha loona gaaro himilooyinka ummadda Soomaaliyeed.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s