Qaraxyo Khasaaro geestay oo ka dhacay magaalada Abu Dhabi (Daawo Sawirro)

31 August 2020 – UAE – Labo qarax oo dhaliyay khasaaro kala duwan ayaa ka dhacay maqaayado kuyaala Magaalada Abu Dhabi ee caasimada dalka Imaaraadka Carabta, sida ay ku warameen booliiska Imaaraadka.

Qaraxyadan oo labo ahaa ayaa siyaabo kala duwan uga dhacay labo maqaayad ay ku jirto KFC oo kutaala magaalada Abu Dhabi, waxaana qaraxyadan sabeen khasaaro nafeed iyo bur bur dhaqaale.

Inta la xaqiijiyay hal qof ayaa ku dhintay qaraxyadan halka tiro kalana ku dhaawacmeen, waxaana dadka dhaawacmay qaarkood oo qaba dhaawacyo culus lagu daweenayaa isbitaalo kuyaala magaalada Abu Dhabi.

Wali lama oga  cida ka dambeesay qaraxyadan maanta ka dhacay magaalada Abu Dhabi, waxa ayna qaraxyadan imaanaya xili maanta magaaladaasi ka degtay diyaaradii ugu horeesay oo toos uga timid Isra’il.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s