Suudaan waxaay saxiixi doontaa heshiiska nabada ee Darfur inkasta oo qaarkooda ay qaadaceen

Dawladda ku-meel-gaadhka ah ee Suudaan iyo kooxaha fallaagada ah ayaa la filayaa inay kala saxeexdaan heshiis nabadeed Isniinta si loo soo afjaro 17 sano oo colaado ah – in kasta oo ay qaadaceen dhaqdhaqaaqyada qaar intii lagu jiray wadahadallada.

Wadahadalada ayaa ka soconayay caasimada South Sudan ee Juba, waxaana ka qeyb galaya kooxaha fallaagada ah ee ka howl gala gobolada Daarfuur, Blue Nile iyo Koonfurta Kordofan.

Dagaalka u dhexeeya ciidamada dowladda iyo kooxaha fallaagada ah ayaa billowday 2003-dii waxaana ku dhintay boqolaal kun oo qof. Malaayiin ayaa laga qasbay guryahooda.

Raiisel wasaaraha Suudaan Abdalla Hamdok ayaa gaaray magaalada Juba galabnimadii Axada wuxuuna la kulmay hogaamiyaasha kooxaha kacdoonka kahor xaflada saxiixa rasmiga ah.

Hogaamiyaha golaha madaxbanaan ee Sudan, General Abdel Fattah, ayaa la filayaa inuu ku biiro Mr Hamdok iyo Madaxweynaha South Sudan Salva Kiir xaflada.

Wadahadalka nabada ayaa istaagay dhowr jeer kadib geeridii wasiirkii hore ee gaashaandhiga sudan, Jamaleldin Omar, iyo masiibada Covid-19.

Laba toddobaad ka hor qaar ka mid ah mucaaradka ayaa qaadacay wadahadalka iyada oo dhinacyadu ay u dhawaadeen guul. Mid ka mid ah Mucaaradka ugu weyn ee ka baxay wadahadalada ayaa ahaa SPLM-N oo uu hogaamiyo Abdelaziz Adam Al-Hilu ee Koonfurta Kordufan.

Kooxda ayaa sheegtay in dhexdhexaadiyayaashu aysan dhageysan cabashadooda ka dhanka ah General Mohamed Hamdan Dagalo, oo sidoo kale loo yaqaan Hemetti, kuxigeenka gudoomiyaha Golaha Koowaad ee Suudaan iyo taliyaha guutada Rapid Support Force (RSF) – oo ah nin muran badan ka dhaliyay siyaasada Sudan.

Kooxda ayaa ku eedeysay Gen Dagalo “inuusan dhexdhexaad aheyn oo uusan u qalmin” inuu hogaamiyo wefdiga dowladda Sudan wadahadallada nabadeed maxaa yeelay “ciidamadiisu waxay wali laayaan dadka ku nool qeybaha kala duwan ee dalka Suudaan.”

Tut Galwak, oo ah lataliyaha amniga madaxweynaha koonfurta Sudan ahna madaxa dhexdhexaadiye, ayaa ku booriyay SPLM-N “in ay dib uga fiirsato mowqifkeeda oo ay dib ugu soo biirto geedi socodka nabada.”

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s